Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 07 2008
Maamulka Puntland oo Mamnuucey Hubka Sharci Darada ah
Written by Ali Moallim   
Thursday, 07 August 2008

Cade MuusePuntland,(insidesomalia.org)- Madaxwaynaha Dawlada Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa sheegay in Musharaxiinta ka qayb qaadanaysa doorashada sanadka soo socda ka dhacaysa Puntland aysan wax hub ah ku dhex qaadan karin Gudaha Magaaloyinka waa wayn ee Puntlnad.

 

Madawxwaynaha Puntland ayaa hadalkaan sheegay xili uu kulan shalay Gelinkii danbe kula qaatay Madaxtooyada Magaalada Boosaaso Madaxwayne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af qurac iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Bangax oo saxaafadda ka hor akhriyay waxyaabihii ka soo baxay kulankii u madaxwaynaha la qaatay Golihiisa Wasiirada ayuu si rasmi ah u sheegay In looga hadlay inta badan kulankaasi doorashada ka dhici doonta Puntland Sanadka soo socda ee 2009.

 

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta tilmaamay in Musharaxa Muwaadinka ah looga baahanyahay in uu ilaalayo daganaanshaha shacabkiisa, isla markaana ay Mamnuuc tahay in wax hub ah ay Musharaxiinta ku dhax qaataan qeybo ka mid ah Puntland.

 

Dhamaan deegaanada Puntland waxaa ka soconaya diyaar garaw xooggan oo ay Musharaxintu ugu jiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka Puntland ka dhici doona,waxaana jagadaasi Iminka isku soo taagay Musharaxiin aad u fara badan.

 

Sanadka soo socda ee 2009 ayaa Puntland lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho xaq ah oo xor ah taasi oo ay ka wada qayb qaadan doonaan dhamaan Musharaxiinta jagadaasi iminka isu soo taagtay.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >